Juventus oo guul ay u qalantay ka gaartay kooxda Udinese, xilli uu Ronaldo gaaray shabaqa… +SAWIRRO

(Turin) 15 Dis 2019. Juventus ayaa guul ay u qalantay ka gaartay kooxda Udinese oo marti ugu aheyd Allianz Stadium, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 16-aad horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 3-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Juventus.

Daqiiqadii 9-aad Juventus ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay ciyaarta Cristiano Ronaldo.

37 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Juventus ayaa dhalisay goolkeeda labaad waxaana dheesha 2-0 ka dhigay Cristiano Ronaldo, waxaana goolkan si qurux badan kaga caawiyay saaxiibkiis Gonzalo Higuain.

45 daqiiqo Juventus ayaa dheereysatay hoggaanka ciyaarta waxaana 3-0 ka dhigay Leonardo Bonucci, xilli uu caawinta goolkan lahaa Merih Demiral.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90-aad kooxda Udinese ayaa la timid hal gool waxaana dheesha 3-1 ka dhigay Ignacio Pussetto.

Ugu dambeyntii ciyaarta waxay ku soo idlaatay 3-1 ay ku adkaatay kooxda martida loo ahaa ee Juventus, waxayna si ku meel gaar ah ula wareegeen hoggaaminta horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close