Benzema oo guuldarro ka badbaadiyay Real Madrid kulankii ay booqdeen kooxda Valencia…+SAWIRRO

(Valencia) 16 Dis 2019. Real Madrid ayaa si dirqi ah kaga badbaaday guuldarro, kaddib markii ay ku kala baxeen kooxda Valencia oo ay ku booqatay garoonka Mestalla barbaro 1-1 ah, ciyaar ka tirsaneyn kulamada 17-aad horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Labada kooxood ayaa ku kala nastay qeybta hore ee ciyaarta barbaro 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 78-aad kooxda martida loo ahaa ee Valencia ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Carlos Soler, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Daniel Wass.

Laakiin daqiiqadii 90-aad ee dhamaadka ciyaarta kooxda Real Madrid ayaa heshay goolka barbaraha waxaana 1-1 ka dhigay weeraryahanka reer France ee Karim Benzema.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay barbaro 1-1ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Valencia iyo Real Madrid, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku qaateen garoonka Mestalla.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close