Miyuu ciyaari doonaa Casemiro kulanka soo aadan ee Valencia? Waxaa ka jawaabaya Zinedine Zidane

(Madrid) 14 Dis 2019. Macalinka kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa wuxuu shaaca ka qaaday go’aankiisa kaga aadan xiddiga reer Brazil ee Casemiro kulanka soo aadan ee  Valencia.

Real Madrid ayaa isku diyaarineysa kulanka ay habeen dambe ku booqan doonto kooxda Valencia garoonka Mestalla, kaasoo ka tirsan kulamada 17-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Kulanka Valencia ayaa wuxuu imaanayaa maalmo yar kahor ciyaarta la wada sugayo ee ku dhax mari doonto kooxaha Barcelona iyo Real Madrid garoonka Camp Nou habeenka Arbacada soo aadan.

Zinedine Zidane iyo taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa ka cabsi qaba in wiilka reer Brazil ee Casemiro uu qaato kaarka Jaalaha kulanka habeen dambe ee Valencia, taasoo ka dhigeysa inuu ka maqnaan doono kulanka El Clasico.

Zinedine Zidane ayaa sida caadiga ah ka soo muuqday shir jaraa’id kahor ciyaarta habeen dambe ee Valencia wuxuuna yiri:

“Kama hadli doono haddii Casemiro uu ciyaari doono kulanka Valencia, ma xiiseyneyno waxa dhici doona Arbacada”.

“Waxaan la ciyaari doonaa koox wanaagsan ee u soo baxday wareega 16-ka tartanka Champions League, waxa aan dooneyno ayaa ah inaan bixino nooca ugu fiican, si aan u sii wadno hormarka aan sameyneyno”.

Intaas kaddib macalinka reer France ee Zinedine Zidane ayaa wax su’aal laga weydiiyay kulanka El Clasico wuxuuna yiri:

“Kama hadli doono arrinkaas sidoo kale, waxa kaliya ee aan kahadleyno waa kulanka berri oo kaliya”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close