Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ee EPL, Serie A, La Liga, Bundesliga iyo Ligue 1

(Yurub) 14 Dis 2019. Kulammo dhowr ah oo ka tirsan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa, iyadoo ay ku jiraan ciyaaro xiiso leh.

Waxaan halkaan idin kugu soo gudbinaynaa kulammada laga ciyaari doono maanta iyo caawa Shanta horyaal ee ugu weyn qaaradda Yurub ee kala ah; English Premier League, Italian Serie A, La Ligaha Spain, Bundesliga Jarmalka iyo Ligue 1 Faransiiska.

Aan ku horreyno horyaalka Premier League Ingiriiska, waxaa jira kulamo dhowr ah oo laga ciyaarayo maanta iyo caawa, waxaana ciyaaraha ugu waa weyn ee la sugi doono ka mid ah kulanka ay Liverpool soo dhoweynayso Watford & kan ay Chelsea qaabilayso Bournemouth.

Dhinaca kale horyaalka La Ligaha Spain haddii aynu eegno waxaa maanta iyo caawa laga ciyaarayaa kulamo dhowr ah, waxaana ka mid ah kulanka  aadka loo sugayo kaasoo ay Barcelona booqanayso kooxda kaalinta afaraad kaga jirta horyaalka la Liga ee Real Sociedad.

Horyaalka Serie A haddii aynu eegnana kulamo waa weyn oo la ciyaari doono ma jiraan, laakiin kulammada la dheeli doono horyaalka Talyaaniga waxaa laga xusi karaa kulanka ay Napoli soo dhoweynayso Parma.

Dhinaca kale waxaa la dheeli doona kulamo ka tirsan horyaalka Bundesliga waxaa kulammadaas ka mid ah kulanka ay Borussia Dortmund u safreyso Mainz 05 iyo mid kale kale oo ay Bayern München soo dhoweynayso Werder Bremen.

Horyaalka Ligue 1 ee Faransiiska haddii aynu eegnana kulamo dhowr ah ayaa la ciyaarayaa waxaana laga xusi karaa kulanka dhexmari doona kooxaha Marseille iyo Metz iyo midka ay Monaco booqanayso Angers.

Haddaba halkaan hoose ka eeg kulammada caawa iyo maanta laga ciyaari doono shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub iyo saacadda ay ciyaarahaasi soo geli doonaan geeska Afrika:-

PREMIER LEAGUE

3:30 Galabnimo Liverpool vs Watford

6:00 Maqribnimo Burnley vs Newcastle United

6:00 Maqribnimo Chelsea vs AFC Bournemouth

6:00 Maqribnimo Leicester City vs Norwich City

6:00 Maqribnimo Sheffield United vs Aston Villa

8:30 Habeenimo Southampton vs West Ham United

LALIGA SANTANDER

3:00 Galabnimo Granada vs Levante

6:00 Maqribinimo Real Sociedad vs Barcelona

8:30 Habeenimo Athletic Bilbao vs Eibar

11:00 Habeenimo Atletico Madrid vs Osasuna

SERIE A

5:00 Galabnimo Brescia vs Lecce

8:00 Habeenimo Napoli vs Parma

10:45 Habeenimo Genoa vs Sampdoria

BUNDESLIGA

5:30 Galabnimo 1. FC Köln vs Bayer Leverkusen

5:30 Galabnimo Mainz 05 vs Borussia Dortmund

5:30 Galabnimo FC Bayern München vs Werder Bremen

5:30 Galabnimo Hertha BSC vs Freiburg

5:30 Galabnimo SC Paderborn 07 vs 1. FC Union Berlin

8:30 Habeenimo Fortuna Düsseldorf vs RasenBallsport Leipzig

LIGUE 1

7:30 Fiidnimo Metz vs Marseille

10:00 Habeenimo Angers vs Monaco

10:00 Habeenimo Toulouse vs Reims

10:00 Habeenimo Nimes vs Nantes

10:00 Habeenimo Amiens vs Dijon

10:00 Habeenimo Brest vs Nice.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close