Eden Hazard oo xaqiijiyey inuu dib ugu laaban doono Kooxda Chelsea

(Madrid) 14 Dis 2019.  Ciyaaryahan Eden Hazard ayaa xaqiijiyey inuu dib ugu soo laaban doono kooxdiisii hore ee Chelsea.

Xiddiga xulka qaranka Belgium ee Eden Hazard ayaa shaaca ka qaaday inuu dib ugu soo laaban doono Kooxda Chelsea, marka uu soo dhammeeyo xirfaddiisa ciyaareed ee Real Madrid.

Eden Hazard waxa uu qiray ku laabashadiisa kooxda Chelsea, waxaana uu yiri: “Marka aan soo dhammeeyo halkan, anigu dib ayaan u soo laaban doonaa.”

Xiddigii hore ee kooxda Chelsea ayaa taageero weyn u ah illaa iyo haatan kooxdiisii hore ee Blues, waxaana uu ka soo muuqday muuqaal wadasheekeysi ah oo laga duubay kaasoo lagu faafiyey barta Twitter-ka.

Markii la weydiiyey inuu dib ugu soo laaban doono Chelsea, Hazard waxa uu yiri: “Marka aan soo dhammeeyo ciyaarahayga halkaas [Real Madrid], anigu dib ayaan u soo laaban doonaa!”

Hazard ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu weli la socdo kooxda Chelsea, waxaana uu ammaanay akadeemiyadda The Blues.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close