Zinedine Zidane oo helay war farxad leh kahor kulanka Valencia

(Madrid) 13 Dis 2019. Real Madrid ayaa halkeeda ka sii wada isku diyaarinta kulanka xiisaha badan ee horyaalka La Liga ay habeenka Arbacada ku booqan doonaan naadiga Valencia garoonka Mestalla.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Marca” ee dalka Spain xiddiga reer Colombia ee James Rodríguez ayaa wuxuu maanta oo Jimco ah bilaabay inuu si gooni ah u qaato tababarka, kaasoo qeyb ka ah olalaha uu kaga soo kabanayo dhaawacii uu dhawaanahan kaga maqnaa garoomada.

Dhinaca kale Marco Asensio, Eden Hazard, Marcelo iyo Lucas Vázquez, ayaa waxay halkooda ka sii wadaan olalaha ay kaga soo kabanayaan dhaawacyadooda.

Image result for James Rodriguez in training Real Madrid

Si kastaba ha noqotee, Zinedine Zidane ayaa wuxuu go’aansaday in qaar ka mid ah xiddigaha da’ada yar ee kooxda Los Blancos, si uu ugu buuxisto boosaska ay kaga maqan yihiin xiddigihiisa kooxda koowaad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close