RASMI: Tababaraha ku guuleystay abaal-marinta Macallinka bishii November ee Premier League oo la shaaciyay

(England) 13 Dis 2019. Waxaa lagu dhawaaqay tababaraha ku guuleystay abaal-marinta macalinkii ugu fiicnaa bishii November ee horyaalka Premier League.

Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ku guuleystay abaal-marinta macallinka ugu fiicnaa bishii November ee horyaalka Premier League.

Jurgen Klopp ayaa ku guuleystay Macallinka bishii November ee horyaalka Premier League, kaddib markii uu ku hoggaamiyay kooxda Liverpool inay guul gaarto dhamaan afartii kulan ay ciyaartay isla markaana ay 8 dhibcood ku qabato hoggaanka horyaalka Premier League.

Reds ayaa garaacday kooxaha Aston Villa, Manchester City, Crystal Palace iyo Brighton inta lagu gudi jiray bishii November ee lasoo dhaafay.

Klopp ayaa ku garaacay abaal-marintan Nuno Espirito Santo  oo wata Wolves, macalinka Leicester City ee Brendan Rodgers iyo Chris Wilder hoggaamiya Sheffield United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close