RASMI: James Milner oo heshiiska u kordhiyay kooxdiisa Liverpool

(Liverpool) 13 Dis 2019. James Milner ayaa maanta u saxiixay kooxda Liverpool heshiis cusub, si uu u sii balaariyo guulihiisa shanta xilli ciyaareed uu joogo Anfield.

Milner oo yimid kooxda Liverpool xagaagii 2015-kii ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub ee gaaraya ilaa iyo xagaaga 2022.

Xiddiga reer England ayaa tan iyo imaatinkiisa Reds ilaa iyo haatan wuxuu u saftay 198 kulan, wuxuuna u dhaliyay 25 gool, wuxuuna la gaaray 5 final uu ku jiro kii ugu dambeeyay ee UEFA Champions League.

Milner ayaa 21 kulan u ciyaaray ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan kooxdiisa Liverpool taasoo u sahashay inay 8 dhibcood oo saafi ah ku haayaan hogaanka horyaalka isla markaana ay gaaraan wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close