“Lionel Messi ma ahan ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda” – Ronaldinho

(Barcelona) 13 Dis 2019. Halyeeyga reer Brazil iyo kooxda Barcelona ee Ronaldinho ayaa sheegay in saaxiibkiis hore ee Lionel Messi uusan aheyn kan ugu fiican taariikhda kubadda cagta.

Ronaldinho ayaa tilmaamay inay tahay wax aad u adag in loo doorto Lionel Messi inuu yahay kan ugu fiican taariikhda kubadda cagta iyagoo ay joogaan Pele, Maradona iyo Ronaldo.

32 jirka reer Argantina iyo kooxda Barcelona ayaa sanadkan ku guuleystay abaal-marinada FIFA The Best iyo Ballon d’Or.

Inkastoo xiriir wanaagsan uu ka dhexeeyay Ronaldinho iyo Lionel Messi sanadihii lasoo dhaafay, haddana halyeeyga reer Brazil ayaan u arkin inuu yahay kan ugu fiican taariikhda kubadda cagta.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Ronaldinho waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Ku guuleysiga Messi ee abaal-marinta Ballon d’Or? Aad ayaan ugu faraxsanahay inuu Messi ku guuleysto abaal-marinta sababtoo ah waa saaxiibkey, marka lagu daro inuu ka mid yahay Barcelona”.

“Ma jecli isbar-bardhiga, sababtoo ah way adag tahay in la go’aamiyo kan taariikhda ugu fiican, waxaa jira Maradona, Pele iyo Ronaldo”.

“Ma dhihi karo Lionel Messi waa ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda, laakiin xaqiiqdii waa kan ugu fiican Jiilkiisa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close