Ashley Cole oo taageeray waaya-aragnimada saaxiibkiisii hore Arsenal ee Freddie Ljungberg… Muxuuse ka yiri Carlo Ancelotti?

(London) 13 Dis 2019. Daafacii hore xulka qaranka England iyo kooxda Arsenal ee Ashley Cole ayaa sheegay inuu si weyn u qadariyo macalinka halyeeyga ah reer Talyaani ee Carlo Ancelotti.

Dhinaca kale Ashley Cole ayaa carabka ku adkeeyay in Carlo Ancelotti uu shaqo fiican ka soo qabtay kooxda Chelsea, laakiin wuxuu muujiyay inuu rajeynayo in saaxiibkiisii ​​hore ee Freddie Ljungberg uu noqdo macalinka joogtada ah ee Gunners.

Shabakada caalamiga ah “Sky Sport” ee dalka England ayaa shaacisay wareysi uu bixiyay Ashley Cole waxaana ka mid ahaa hadaladiisa.

“Carlo Ancelotti shaqo wanaagsan ayuu ka qabtay Chelsea, waxaan jeclaa qaabkiisa, kaliya maahan tababare ahaan balse shaqsi ahaan, wuxuu ula dhaqmi jiray sida inuu yahay saaxiibka ugu fiican”.

“Dad badan ayaa dalbaday bixitaanka Arsène Wenger, wuuna baxay, taageerayaashana haatan waxaa laga yaabaa inay fahmeen waxa uu u qabtay kooxda”.

“Arsenal waxay ku jirtaa xilli kala guur ah, waxay isku dayeen Unai Emery, laakiin hal sabab ama sabab kale, xaalada si fiican uma aysan soconin”.

“Freddie Ljungberg wuxuu garanayaa kooxda qalbi ahaan iyo maskax ahaanba, wuxuu ahaa saaxiibkeey kooxda Arsenal, waxaana u rajeynayaa inuu waxyaabo qaar halkaas ka bedelo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close