Kooxda Manchester United oo loo sheegay qiimaha ay ku heli karto Saul Niguez

(Manchester) 12 Dis 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa loo sheegay inay wax ka badan 100 milyan oo gini ku heli karto saxiixa laacibka Atlteico Madrid ee Saul Niguez.

Manchester United waa inay bixisaa adduun dhan 128 milyan oo gini si ay u hesho ciyaaryahan Saul Niguez.

Jariiradda Mundo Deportivo ayaa warinaysa in Atletico Madrid ay ka dalban doonto Manchester United adduun dhan 128 milyan oo gini oo u dhiganta 169 milyan oo dollar si ay u hesho Saul Niguez.

Red Devils ayeysan u badneyn inay lacagtaa soo xareysato illaa iyo inta uu Paul Pogba ka tagayo kooxda oo uu ku biirayo Real Madrid.

Qiimaha Atletico ee Saul ayaa ka turjumaya sida uu u qiimeeyo laacibkan macallin Diego Simeone, kaasoo ka caga jiidaya inuu waayo sanadka soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close