Juventus oo doonaysa inay heshiis cusub ka saxiixato Higuain, xilli sidoo kale ay qorsheynayso inay yareeyaan Mushaharkiisa

(Turin) 12 Dis 2019. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa la soo warinayaa inay qorsheynayso inay heshiis cusub ka saxiixato Weeraryahankeeda Gonzalo Higuain.

Warsidaha la yiraahdo Calcio Mercato ayaa warinaya in kooxda Juventus ay isku diyaarinayso inay heshiis cusub ku abaal-mariso Weeraryahankeeda Gonzalo Higuain, kaasoo sidoo kale ay doonayso inay yareeyaan mushaarkiisa sanadlaha ah.

32-sano jirkaan ayaa si xoog leh loola xiriirinayey inuu u dhaqaaqi doono kooxda River Plater marka uu dhammaado qandaraaska uu ku joogo magaalada Turin kaasoo ku eg sanadka 2021-ka.

Kooxda Juventus ayaa indhaha ku haysa inay sii haysato Higuain, laakiin sidoo kale waxa ay qorsheynayaan inay yareeyaan mushaharkiisa dhan 7.5 milyan oo euro ee uu ka qaato sanadkii.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close