Erling Haaland oo u duulay dalka Jarmalka si uu wadahadal ula galo Kooxda…

(Yurub) 12 Dis 2019. Sida wararku ay sheegayaan ciyaaryahan Erling Haaland ayaa u duulay dalka Jarmalka si uu wadahadal ula galo koox ka dhisan dalkaasi.

19-sano jirkaan waxaa doonaya kooxo badan oo ka mid ah kuwa ugu waa weyn qaaradda Yurub, laakiin waxaa la soo sheegayaa inuu u duulay magaalada Dortmund si uu wadahadallo ula galo kooxda ka dhisan magaaladaas.

Sida uu warinayo Ruhr Nachrichten, Weeraryahanka kooxda RB Salzburg ee Erling Haaland ayaa u safray dalka Jarmalka si uu wadahadal ula yeesho kooxda Borussia Dortmund.

Da’yarkan weerarka ka dheela ayaa dhaliyey 28 gool 22 kulan oo uu u saftay kooxda reer Austria xilli ciyaareedkan, waxaana la la xiriirinayey kooxo badan oo ka dhisan qaaradda Yurub.

Dortmund ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee la la xiriiriyo 19-sano jirka, kaasoo la sheegay inuu u duulay gobolka ay ka dhisan tahay Borussia si uu ugala hadlo suurtogalnimada heshiiska uu ugu wareegi karo kooxda ka dheesha Bundesliga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close