Cristiano Ronaldo oo sheegay labada kooxood uu jeclaan lahaa inay isugu soo haraan finalka Champions League

(Turin) 12 Dis 2019. Weeraryhanka Juvenrus ee Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuusan dooneynin inuu ku wajaho kooxdiisii hore ee Real Madrid wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Laakiin Cristiano Ronaldo ayaa xusay inuu xiiseenayo in kooxda Real Madrid ay ku wada ciyaaraan finalka Champions League dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Juventus ayaa xalay 0-2 kaga soo adkaatay kooxda Bayer Leverkusen oo ay booqatay, xilli goolasha naadiga Bianconeri ay u kala dhaliyeen xiddigaheeda Cristiano Ronaldo iyo Gonzalo Higuain.

Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu doonayaa in kooxdiisa Juventus ay xilli ciyaareedkan ku guuleysato tartanka Champions League, kuwaasoo awoodi waayay inay sarre u qaadaan koobka dhaga weyne tan iyo 1996.

34 jirkan ayaa kaddib guushii ay xalay ka gaareen kooxda Bayer Leverkusen wuxuu u sheegay shabakada caalamiga ah ee “Sky Sports” wuxuuna yiri:

“Real Madrid waa koox aan caadi aheyn, shaqsi ahaan waxaan jeclaan lahaa inaan ku wada ciyaarno marxaladaha hore ee tartankan”.

“Ma doonayo inaan ku wajaho Real Madrid wareega 16-ka, laakiin hadda waxaan xaqiijinayaa rabitaankeyga ah inaan ku wada ciyaarno kulanka finalka ee tartanka Champions League”.

Si kastaba ha noqotee Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu indhaha ku hayaa inuu ku guuleysto tartanka Champions League markii lixaad ee xirfadiisa kubadda cagta, kaddib markii uu horey kula soo guuleystay hal jeer oo Manchester United ah, iyo 4 jeer oo kooxda Real Madrid ah.

Gool FM.

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close