16-ka Kooxood ee iska xaadiriyey wareegga bug-baxa Champions League & Wax waliba oo aad uga baahan tahay isku aadka tartankan

(Yurub) 12 Dis 2019. Waxaa xalay la soo gabagabaeeyey heerka guruubyada Champions league, iyadoo ay soo baxeen 16-kooxood oo u gudbay wareegga bug-baxa Champions League.

Haddaba waxaan halkaan kuugu soo gudbin doonaa waxa waliba oo aad uga baahan tahay isku aadka wareegga 16-ka Koobka horyaallada Yurub.

Goorma ayaa la sameyn doonaa isku aadka wareegga 16-ka Champions League?

Isku aadka wareegga 16-ka Koobka horyaallada Yurub ee UEFA Champions League ayaa la sameyn doonaa 16-ka bishan December oo ku beegan Isniinta soo aaddan, waxaana lagu qaban doonaa xarunta xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA oo ku taala magaalada Nyon ee Waddanka Switzerland.

Saacadda la sameyn doono isku aadka 16-ka Champions League:-

Isku aadka ayaa TV-yada laga soo deyn doonaa 11:00 barqanimo saacadda UK oo ku aaddan 2:00 Duhurnimo saacadda geeska Afrika, sidoo kale isku aadka tartanka Europa League ayaa la sameyn doonaa isla maalintaa marka ay saacadda geeska Afrika tahay 3:00 Galabnimo.

Sida ay kooxuhu ugu soo kala baxeen kaalimaha:-

Kooxaha ku soo baxay kaalinta koowaad ee Guruubkooda:-

Barcelona (ESP, Group F)

Bayern Munich (GER, Group B)

Juventus (ITA, Group D)

Liverpool (ENG, Group E)

Manchester City (ENG, Group C)

PSG (FRA, Group A)

RB Leipzig (GER, Group G)

Valencia (ESP, Group H)

Kooxaha ku soo baxay kaalinta labaad ee Guruubkooda:-

Napoli (ITA, Group E)

Real Madrid (ESP, Group A)

Tottenham (ENG, Group B)

Dortmund (GER, Group F)

Lyon (FRA, Group G)

Chelsea (ENG, Group H)

Atletico Madrid (ESP, Group D)

Atalanta (ITA, Group C)

Tartankan wareeggiisa 16-ka iskuma aadi karaan labo kooxood oo isku waddan ah, halka sidoo kale aan la isku beegi doonin labo kooxood oo hal guruub ka soo wada baxay, sidaasi awgeed kooxo badan ayaa kala badbaadi doona.

Goormee la ciyaari doonaa wareegga 16-ka Champions League?:-

Lugta koowaad ee wareegga 16-ka Champions League ayaa la ciyaari doonaa 18/19 & 25/26 bisha Febraayo 2020.

Lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League ayaa iyana la ciyaari doonaa 10/11 & 17/18 bisha Maarso 2020.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close