Kooxda Inter Milan oo indhaha ku haysa inay soo qaadato labo ka mid ah xiddigaha Barcelona

(Milano) 11 Dis 2019. Kooxda kubadda cagta Inter Milan ee Waddanka Talyaaniga ayaa eegeysa inay naadiga reer Spain ee Barcelona kala soo wareego labo ka mid ah xiddigaha khadka dhexe uga ciyaara.

Sida warinayso Jariiradda Marca ee ka soo baxda Spain kooxda Inter Milan ayaa indhaha ku haysa labada xiddig ee naadiga Barcelona, Arturo Vidal iyo Ivan Rakitic.

Labadaan ciyaaryahan waxay ku jahwareereen fursad la’aanta ku haysata garoonka Camp Nou, waxayna u furan yihiin inay u wareegaan dalka Talyaaniga bisha Janaayo ee soo aaddan.

Kooxda Inter Milan ayaa guuldarro 2-1 ku soo gaartay garoonka San Siro kulan ka tirsanaa Champions League xalay oo Talaado ahayd, taasoo ka dhigtay inay ka hareen tartanka Koobka Horyaallada Yurub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close