Barcelona oo u sheegtay Man City qiimaha ay ku iibiseyso xiddigeeda…

(Manchester) 11 Dis 2019. Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay wada hadal la gasho kooxda Barcelona si ay kaga hesho daafaca reer France ee Samuel Umtiti marka la gaaro suuqa kala iibsiga ee soo socda.

Sky Blues ayaa xilli ciyaareedkan la kulantay natiijooyin xun oo Premier League ah, waxaana guuldarradii ugu dambeysay ay 2-1 kaga soo gaartay Manchester United Sabtidii lasoo dhaafay, taasoo ka dhigtay in farqi weyn ee dhanka dhibcaha uu u dhaxeeyo iyaga iyo hogaamiyaasha horyaalka ee kooxda Liverpool.

Haddaba wargeyska “L’Equipe” ee dalka France ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in macalinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola uu isku dayi doono lasoo saxiixashada Samuel Umtiti, suuqa bisha Janaayo ee soo socota, si uu kaga soo dajiyo Etihad Stadium.

Wargeyska ayaa wuxuu tilmaamay in Barcelona ay codsaneyso qiimo dhan 46.2 milyan ginni, si ay u iibiso xiddigeedan, halka Manchester City ay qorsheyneyso in ugu horeyntii ay qaab amaah ah kula soo saxiixato.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close