Zidane oo ka hadlay kullanka El Clásico,  muxuuse ka yiri abaal-marinta Ballon d’Or uu dhawaan ku guuleytay Lionel Messi?

(Madrid) 10 Dis 2019. Macalinka kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka soo muuqday shir Jaraa’id kahor kulanka habeen dambe ay kooxda Club Brugge ku wada ciyaari doonaan tartanka Champions League.

Zidane ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo quseeya kulanka habeen dambe iyo tartamada kale soo socda oo ay wajihi doonto kooxda Real Madrid, sida kulanka la wada sugayo ee El Clásico ay ku wada ciyaari doonaan Barcelona garoonka Camp Nou toddobaadka soo socda.

Macalinka reer France ayaa inta uu ku gudi jiray shirka jaraa’id waxaa hadaladiisa ka mid ahaa:

“Ciyaartoyda waxaan u sheegay, waxa aan u sheego kahor ciyaarta barito waxaan dooneynaa guul, waxaan soo bandhigi doonaa ciyaar fiican kulanka Club Brugge”.

“Waan ogahay in Club Brugge ay tahay koox adag, laakiin waxaan dooneynaa inaan badino berrito oo aan soo bandhigno ciyaar fiican”.

Intaas kaddib Zinedine Zidane ayaa wax laga weydiiyay kulanka adag El Clásico oo ay toddobaadka soo socda ku booqan doonaan kooxda Barcelona garoonka Camp Nou wuxuuna yiri:

“Cabsida kulanka El Clásico? Maya waxaan diirada saari doonaa isla markaana aan ka fikiri doonaa kulanka bari oo kaliya”.

“Waxaa jira waxyaabo aadan xakamayn karin, kaliya waxaan xakameyneynaa kubadda cagta, laakiin sidoo kale waa inaan diirada saarnaa kulanka berri”.

Ugu dambeyntii Zinedine Zidane ayaa wax laga weydiiyay abaal-marinta Ballon d’Or uu dhawaan ku guuleystay kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi wuxuuna ku jawaabay.

“Wax faalo ah kama bixin doono!”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close