Liverpool oo guul ay ka gaartay Salzburg ku soo xiratay heerka group-yada ee tartanka Champions League…+SAWIRRO

(Germany) 10 Dis 2019. Liverpool ayaa guul kaga soo xiratay kulamada wareega group-yada Champions League, kaddib markii ay kooxda Salzburg oo ay booqatay kaga soo adkaatay 0-2, waxayna  kaalinta koowaad kaga soo baxday GROUP E ee tartankan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu maray barbaro 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 57-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Naby Keita, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Sadio Mane.

Liverpool ayaa markale la timid gool daqiiqadii 58-aad waxaana dheesha 0-2 ka dhigay Maxamed Saalax.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 0-2 ay guusha ku raacday kooxda martida aheyd ee Liverpool.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close