Lionel Messi oo hoggaaminaya Shaxda kooxdii ugu fiicneyd kulamadii toddobaadkan laga ciyaaray horyaalka La Liga

(Spain) 10 Dis 2019. Shabakada “WhoScored” ayaa shaacisay shaxda kooxdii ugu fiicneyd kulamadii 16-aad ee Isbuucan laga ciyaaray horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Barcelona ayaa noqotay kooxda kaliya ee laba kursi ka heshay shaxda Toddobaadkan, kaddib markii ay 5-2 kaga adkaatay Real Mallorca, waxaana labada xidiig kaga soo muuqday ay kala yihiin Lionel Messi oo saddexleey dhaliyay iyo Luis Suarez oo isna dhaliyay gool cajiib ah.

Real Madrid ayaa dhankeeda hal kursi oo kaliya ku yeelatay shaxda kooxda ay ku dhawaaqday Shabakada “WhoScored” waxaana kaga soo muuqday daafacooda reer France ee Raphaël Varane.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo shaxda kooxdii ugu fiicneyd kulamadii 16-aad ee Isbuucan laga ciyaaray horyaalka La Liga ee dalka Spain:

Goolhaye: Manolo Reina (Mallorca).

Daafacyada: Víctor Díaz (Granada), Raphaël Varane (Real Madrid), Mario Hermoso (Atletico Madrid), Mathías Olivera (Getafe).

Khadka Dhexe: Óscar Rodríguez (Leganes), Yangel Herrera (Granada), Joaquín (Real Betis), Lionel Messi (Barcelona).

Weerarka: Luis Suarez (Barcelona),  Kevin Gameiro (Valencia).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close