Xiddig ka tirsan Kooxda Chelsea oo ka mid noqday bartilmaameedyada ugu sarreeya ee Inter Milan

(London) 09 Dis 2019. Ciyaaryayan daafaca uga ciyaara naadiga Chelsea ayaa la soo warinayaa inuu ka mid yahay bartilmaameedyada ugu sarreeya naadiga Inter Milan ee Waddanka Talyaaniga.

Sida uu warinayo Warsidaha la yiraahdo Calcio Mercato Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa u aragta daafaca dambeedka bidix ee Chelsea, Marcos Alonso inuu yahay ahmiyaddooda koowaad ee suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

28-sano jirkaan ayaa doonaya inuu dib ugu laabto dalka Talyaaniga si uu ula midoobo tababarihii hore ee kooxda Chelsea, Antonio Conte.

Alonso ayaa u saftay Kooxda Blues todoba kulan oo horyaalka Premier League ah xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay hal gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close