RASMI: Liiska 20-ka xiddig ee Kooxda Barcelona uga qeyb galaya kulanka Inter ee UCL oo lagu dhawaaqay… (Miyaa la nasiyey Messi?)

(Yurub) 09 Dis 2019. Waxaa lagu dhawaaqay 20-ka ciyaaryahan ee kooxda Barcelona uga qeyb galaya kulanka Uefa Champions League ee ay la leeyihiin Inter Milan.

Barcelona waxa ay shaacisay inay nasiino siisay Messi & Pique, iyadoo Suarez iyo Fati ay ku jiraan xiddiga kooxda uga qeyb galaya kulanka Inter Milan ee Koobka horyaallada Yurub.

Macallin Valverde ayaa fursad siinaya kulankan xiddigo badan oo da’yar ah kuwaasoo ka tirsan Barca B, iyadoo Messi, Pique & Roberto dhammaantood uu nasiyey kulanka Inter, xiddiga dhaawaca ahaa ee Alba & Semedo ayaa seegaya kulankan inkastoo ay tababarka ku soo laabteen.

SHAXDA KOOXDA BARCELONA AY KU DHAWAAQDAY OO DHAMMAYTIRAN:-

Goolhayeyaasha: Ter Stegen, Neto, Inaki Pena

Daafacyada: Todibo, Lenglet, Wague, Umtiti, Junior, Araujo, Morer

Khadka dhexe: Rakitic, Sergio Busquets, Alena, De Jong, Vidal, Puig

Weerarka: Griezmann, Suarez, Ansu Fati, Carles Perez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close