RASMI: Garsooraha dhex-dhexaadin doona kulanka El Clasico ee dhexmari doona Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid oo la shaaciyey

(Madrid) 09 Dis 2019.  Waxaa la shaaciyey garsooraha seeriga u qaban doona kulanka El Clasico ee dhexmari doona kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, kaasoo dabayaaqada bishaan ka dhici doona garoonka Camp Nou.

Garsoore Alejandro Hernandez Hernandez ayaa noqonaya midka dhex-dhexaadin doona kulanka El Clasico ee la ciyaari doono 18-ka bishaan aynu ku jirno ee December.

Kulankii ugu dambeeyey ee El Clasico oo uu garsoore ka ahaa Hernandez Hernandez waxa uu ahaa kulankii ay Barcelona 5-1 ku garaacday Real Madrid.

Kani waxa uu noqon doonaa kulankiisii shanaad ee El Clasico oo uu dhex-dhexaadiyo, afartii kulan ee hore Barcelona ayaa labo adkaaday, halka Real Madrid ay hal kulan guuleysatay, kulanka kalena ay barbaro galeen.

Garooraha kulankan aaladda VAR fadhin doona waxa uu noqonayaa Ricardo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close