Kooxda Chelsea oo saddex xiddig oo muhiim ah la soo wareegeysa suuqa kala iibsiga bisha Janaayo

(London) 09 Dis 2019. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la soo warinayaa inay saddex ciyaaryahan oo muhiim ah ka soo qaadanayso suuqa kala iibsiga xiddigaha bisha Janaayo ee soo aaddan.

Sida uu warinayo warsidaha Calciomercato kooxda Chelsea ayaa mudnaanta koowaad siin doonta saxiixyada Ben Chilwell, Jadon Sancho iyo Wilfried Zaha suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Frank Lampard ayaa doonaya inuu lacag badan qarash-gareeyo suuqiisii ugu horreeyey ee kala iibsiga oo uu naadiga Blues tababare u yahay, waxaana uu dib ugu laaban doonaa ciyaaryahanka kooxda Leicester ee Chilwell, iyadoo difaacaas kooxdiisa laga dhaliyey 24 gool oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan.

Dhinaca kale Zaha iyo Sancho ayaa keeni kara si ay u buuxiyaan booska uu ka baxay Eden Hazard.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close