Arsenal oo ugu dambeyntii ku soo laabatay wadada guusha, kaddib markii ay ka adkaatay West Ham … + SAWIRRO

(London) 10 Dis 2019. Arsenal ayaa ugu dambeyntii ku soo laabatay wadada guusha, kaddib markii ay kaga adkaatay West Ham United 1-3, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 16-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee West Ham United.

‏daqiiqadii 38-aad West Ham United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Angelo Ogbonna, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Pablo Fornals.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 60-aad kooxda Arsenal ayaa heshay goolka barbaraha, waxaan ciyaarta 1-1 ka dhigay Gabriel Martinelli, waxaana goolkan ka caawiyay Sead Kolasinac.

Arsenal ayaa markan la wareegtay hogaanka ciyaarta waxaana daqiiqadii 66-aad 1-2 ka dhigay Nicolas Pepe, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Pierre-Emerick Aubameyang.

Daqiiqadii 69-aad Gunners-ka ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta kaddib markii uu Pierre-Emerick Aubameyang dheesha ka dhigay 1-3, xilli uu caawinta goolkan lahaa Nicolas Pepe.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 1-3 ay guusha ku raacday kooxda Arsenal oo marti ugu aheyd West Ham United London Stadium.

SAWIRRO:

View image on Twitter

View image on Twitter

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close