Lionel Messi oo xalay dhaafay rikoodh uu Cristiano Ronaldo ka sameeyay horyaalka La Liga

(Barcelona) 08 Dis 2019. Loolanka u dhexeeya xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa halkiisa k sii socda, inkastoo xiddiga reer Portugal uu ka tagay horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Lionel Messi ayaa xalay dhaliyay saddex gool, kulankii ay kaga adkaadeen kooxda Mallorca 5-2, kaasoo ka tirsanaa kulamada 16-aad horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Haddaba wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu tilmaamay in seddexleydii uu Messi ka dhaliyay kooxda Real Mallorca, ay aheyd kiisii 35-aad uu ka dhaliyay horyaalka La Liga.

Messi ayaa noqday ciyaaryahanka ugu badan ee dhaliyay saddeleyda ugu badan taariikhda horyaalka La Liga ee dalka Spain, wuxuuna kaga sara maray xiddigii hore kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 34 saddexleey ee horyaalka La Liga ah inta uu ku sugnaa kooxda Real Madrid, kahor inta uusan u dhaqaaqin naadiga Juventus.

Messi ayaa ku gaaray 35-ta saddexleey 462 kulan uu u ciyaaray kooxda Barcelona, halka Ronaldo uu ku dhaliyay 34 seddexleey 288 kulan uu u saftay kooxdiisii hore ee Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close