Jurgen Klopp oo doortay xiddiga uu arko inuu noqon karo badelka Saalax iyo Mané

(Liverpool) 08 Dis 2019. Sida ay shaaca ka qaadeen wargeysyada gudaha dalka England, kooxda Liverpool ayaa waxay isha ku heysaa inay sameyso heshiis cajiib ah suuqa soo aadan ee furmi doona.

Sida laga soo xigtay wargeyska “’The Sun” macallinka reer Germany iyo kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp, ayaa wuxuu la dhacsan yahay qaab ciyaareedka xiddiga reer Brazil iyo naadig Fluminense ee Evanilson.

Klopp ayaa wuxuu doonayaa in 20 jirkan uu ka soo dajiyo garoonka Anfield, si uu u noqdo badelka xiddigaha dhanka weerarka kaga ciyara ee Maxamed Saalah, Sadio Mané, Roberto Firmino iyo Divock Origi.

Image result for evanilson liverpool

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in heshiiska uu ku joogo Evanilson kooxdiisa haatan ee Fluminense ayaa wuxuu dhacayaa bisha Febraayo ee soo aadan.

Xiddigan reer Brazil ayaa suurtogal ah inuu ugu dhaqaaqo garoonka Anfield suuqa furmi doono bisha Janaayo ee soo aadan kaliya qiimo dhan 4 milyan ginni.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close