Ernesto Valverde oo war farxad helaya kahor kulanka El Clásico

(Barcelona) 08 Dis 2019. Barcelona ayaa ku soo laabatay tababarkeeda maanta oo Axad ah, kaddib markii ay xalay 5-2 kaga soo adkaatay kooxda Mallorca, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 16-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Blaugrana ayaa dib u heshay labadeeda xiddig ee Jordi Alba iyo Nélson Semedo, iyagoo sameeyay qeyb ka mid ah tababarka guud ay kooxda maanta sameysay, taasoo ka dhigan inay si weyn horumar kaga sameeyeen dhaawacii ay qabeen, sida laga soo xigtay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu hadalkiisa intaas sii raaciyay:

“Jordi Alba iyo Nélson Semedo waxay qaadayaan talaabooyin soo kabasho ah 10 maalmood kahor kulanka El Clásico ay la ciyaarayaan kooxda Real Madrid”.

Jordi Alba ayaa soo gaaray dhaawac muraqa ee lugta bidix ah inta lagu gudi jiray kulankii Slavia Prague ee tartanka Champions League, halka Nélson Semedo uu ku dhaawacmay kulankii Celta Vigo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close