Xulkeenna Soomaaliya oo kulankiisa furintaanka tartanka Cecafa Senior Challenge maanta wajahaya Jabuuti

(Lugogo) 07 Dis 2019. Xulkeena qaranka Soomaaliya ayaa maanta dheeli doona kulankiisa ugu horreeya ee tartanka Cecafa Senior Challange Cup, isagoo wajahay xulka Jabuuti.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan maadaama labadan dal ee dariska ah uu waddan waliba doonayo inuu guul ku furto tartanka Cecafa.

Xiddigaha Ocean Stars ayaa badi laga keenay dalka dibaddiisa, halka afar ciyaartoy laga waday horyaalka Somali Premier League, taasoo kuu muujinaysa in sanadkan xulka aad loo adkeyay.

Labadan xul sanadkan guddihiisa ayey kulan saaxiibtinnimo wada dheeleen, waxaana 1-0 ku badisay xulka Jabuuti, waxaana kulankooda maanta uu ka dhacayaa garoonka KCCA Startimes halka la yiraahdo Lugogo ee dalka Uganda.

Ogeysiis Ciyaarta:

Tartanka: Cecafa

Xulalka: Somalia vs Jabuuti

Garoonka: KCCA Startimes

Saacadda: 1:30 duhurnimo

Naatiijada kulankan iyo wax waliba oo ku saabsan ciyaarta ay dheelayaan wiilasha waddankeenna Soomaaliya waan idiin soo gudbin doonnaa hadduu Eebbe idmo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close