Real Madrid oo guul muhiim ah ka gaartay kooxda Espanyol & Benzema oo markale shabaqa gaaray…+SAWIRRO

(Madrid) 07 Dis 2019. Kooxda Real Madrid ayaa guul muhiim ah kaga gaartay garoonkeeda Santiago Bernabeu dhigeeda Espanyol, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 16-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Qeybta horee ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid.

Daqiiqadii 37-aad Real Madrid ayaa la wareegtay hoggaanka ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Raphael Varane, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Karim Benzema.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 79-aad Karim Benzema ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Real Madrid, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Federico Valverde.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Real Madrid kooxda Espanyol oo marti ugu aheyd garoonka Santiago Bernabeu.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close