Man United oo guul muhiim ah kaga soo gaartay kooxda Man City Etihad Stadium…+SAWIRRO

(Manchester) 07 Dis 2019. Kooxda Manchester United ayaa guul muhiim ah ka soo gaartay dhigeeda Man City oo ay ku booqatay Etihad Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 16-aa ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Manchester United.

Daqiiqadii 23-aad Manchester United ayaa heshay gool ku laad, waxaana gool u badalay Marcus Rashford, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 0-1.

Daqiiqadi 29-aad markale Manchester United ayaa dhalisay gool waxaana dheesha 0-2 ka dhigay Anthony Martial, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Daniel James.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 85-aad Manchester City ayaa heshay gool waxaana ciyaarta 1-2 ka dhigay Nicolas Otamendi, waxaana goolka ka caawiyay Riyad Mahrez

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-2 ay ku adkaatay Manchester United.oo marti ugu aheyd kooxda Manchester City Etihad Stadium.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close