Liverpool oo wali dhinaceeda dhulka la dhigi la’ayahay & natoojooyinka kulamadii kale ee laga ciyaaray Premier League…+SAWIRRO

(England) 07 Dis 2019. Kooxda Liverpool ayaa markale guul gaartay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3 naadiga Bournemouth oo ay ku booqatay garoonka Vitality, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 16-aa ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Liverpool.

Daqiiqadii 35-aad Liverpool ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Alex Oxlade-Chamberlain, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Jordan Henderson.

Daqiiqadii 44-aad ee ku dhawaad dhamaadka qeybta hore ciyaarta Liverpool ayaa heshay goolkeeda labaad, waxaana dheesha 0-2 ka dhigay Naby Keita, waxaana ka caawiyay Maxamed Saalax.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 54-aad Liverpool ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta Maxamed Saalax ayaana 0-3 ka dhigay, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Naby Keita.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-3 ay ku adkaatay Liverpool oo marti ugu aheyd kooxda Bournemouth garoonka Vitality.

Dhinaca kale dhanka hoose kga boggo natiijooyinka kulamadii kale ee laga ciyaaray  horyaalka Premier League.

Tottenham Hotspur 5 – 0 Burnley

Watford 0 – 0 Crystal Palace.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close