Chelsea oo guuldarro kala soo kulantay kooxda Everton oo ay ku booqatay garoonka Goodison Park…+SAWIRRO

(London) 07 Dis 2019. Chelsea ayaa guuldarro kala soo kulantay kooxda Everton oo ay ku booqatay garoonka Goodison Park, kaddib markii loogu soo awood sheegtay 3-1, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 16-aa ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hor kaceysay kooxda martida loo ahaa ee Everton.

Daqiiqadii 5-aad Everton ayaa la wareegtay hoggaanka dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Richarlison, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Djibril Sidibe.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

49-aad daqiiqo Everton ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta, waxaana 2-0 ka dhigay Dominic Calvert-Lewin.

Laakiin daqiiqadii 52-aad Chelsea ayaa la timid gool waxaana 2-1 dheesha ka dhigay Mateo Kovacic.

Daqiiqadii 84-aad kooxda Everton ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta waxaana 3-1 ka dhigay Dominic Calvert-Lewin.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 3-1 ay kaga adkaatay Everton kooxda Chelsea oo marti ugu aheyd garoonka Goodison Park.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close