Mane iyo Son oo hoggaaminaya liiska musharaxiinta abaal-marinta xiddiga bisha November ee Premier League

(England) 06 Dis 2019. Waxaa la shaaciyey ciyaartoyda u sharraxan abaal-marinta xiddiga bishii November ugu fiicnaa horyaalka Premier League, waxaana ku tartamaya Toddobo ciyaaryahan oo wacdaro ka dhigay horyaalka bishii la soo dhaafay.

Dele Alli, Raul Jimenez, Sadio Mane, Lys Mousset, Son Heung-min, Caglar Soyuncu, iyo Jamie Vardy ayaa loo magacaabay musharaxiinta abaal-marinta xiddiga bishii November ugu fiicnaa horyaalka Premier League.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo wax qabadka ciyaartoyda u sharraxan abaal-marinta xiddiga bishii November ugu fiicnaa horyaalka Premier League:

Dele Alli (Tottenham Hotspur): 4 kulan, 2 guul, 2 barbaro, 3 gool, 1 caawin

Raúl Jiménez (Wolverhampton): 3 kulan, 2 guul, 1 barbaro, 3 gool.

Sadio Mané (Liverpool): 4 kulan, 4 guul, 3 gool, 1 caawin

Lys Mousset (Sheffield United): 3 kulan, 1 guul, 2 barbaro, 1 gool, 2 caawin

Son (Tottenham Hotspur):  4 kulan, 2 guul, 2 barbaro, 2 gool, 4 caawin

Çağlar Söyüncü (Leicester City): 3 kulan, 3 guul, 1 gool, 3 kulana shabaqiisa ayuu gool ka ilaashaday

Jamie Vardy (Leicester City):  3 kulan, 3 guul, 3 gool, 2 caawin.

Gool FM.

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close