Farxada Lionel Messi oo halkeeda ka sii socota kaddib markii uu ku guuleystay abaal-marin kale ee cusub

(Spain) 06 Dis 2019. Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaal-marin cusub kaddib markii loo caleemo saaray ciyaaryahankii ugu fiicnaa horyaalka La Liga ee dalka Spain bishii November ee lasoo dhaafay.

Farxada Lionel Messi ayaa halkeeda ka sii socota, kaddib markii uu dhawaan ku guuleystay abaal-marinta xiisaha badan ee Ballon d’Or 2019.

Kabtanka Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa markiisii lixaad ee xirfadiisa kubadda cagta ku guuleystay abaal-marintan Ballon d’Or, waxaana uu ku garaacay Virgil van Dijk iyo Cristiano Ronaldo.

Lionel Messi ayaa wuxuu ka sameeyay qaab ciyaareed cajiib ah bishii November Horyaalka La Liga ee dalka Spain, wuxuu dhaliyay 4 gool, wuxuuna caawiyay gool, taasoo ka dhigtay in loo caleemo saaro abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa bishii November.

Messi ayaa dhaliyay gool kulankii Levante, sidoo kale seddexleey ayuu ka dhaliyay Celta Vigo, xilli sidoo kale uu caawiyay goolkii uu dhaliyay Luis Suarez intii lagu gudi jiray kulankii Leganes.

Kabtanka kooxda Barcelona ayaa abaal-marintan lagu hor gudoon siin doonaa taageerayaasha garoonka Camp Nou, kahor inta aan la baasanin kulanka ay la ciyaari doonaan naadiga Deportivo Alaves 21-ka bishan Disembar.

Gool FM.

Xariir La Leh

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close