RASMI: Kooxda Liverpool oo ku dhawaaqday Liiska 23-ka ciyaaryahan ee uu kala qeyb-galayo Koobka Kooxaha Adduunka

(Liverpool) 05 Dis 2019. Macallinka Kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa magacaabay liiska 23-ka xiddig ee bishaan uu kala qeyb-galayo Koobka Koobka Adduunka ee Fifa Club World Cup, kaasoo ka dhacaya Waddanka Qatar.

Reds ayaa kulankeeda ugu horreeya ee tartankan ciyaaraysa Arbacada oo ay taariikhdu tahay 18-ka bishaan, waana wax ka yar 24-saacadood marka ay Anfield kula ciyaaraan Carabao Cup naadiga Aston Villa.

Tababare Klopp ayaa shaxdiisa uu u kaxaysanayo Qatar waxa uu ku daray Van Dijk, Alisson iyo Salah.

Xiddigo sida Brewster, Elliott iyo Jones ayaa sidoo kale safarka kala qeyb-galaya hoggaamiyaha reer Jarmal ee Klopp.

Joel Matip iyo Fabinho ayaa laga tagay oo aan Koobka Kooxaha Adduunka u raacaynin Reds, waxaana ay sii wadi doonaan soo kabashadooda dhaawacyada.

LIISKA KOOXDA LIVERPOOL UGA QEYB-GALAYA KOOBKA KOOXAHA ADDUUNKA EE LAGU DHAWAAQAY:-

Alisson, Van Dijk, Wijnaldum, Lovren, Milner, Keita, Firmino, Mane, Salah, Gomez, Adrian, Henderson, Oxlade-Chamberlain, Lallana, Lonergan, Shaqiri, Brewster, Robertson, Origi, Jones, Alexander-Arnold, Elliott, Williams.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close