Liverpool oo rikoodh cajiib ah sameysay kaddib guushii xalay ee Merseyside derby

(Liverpool) 05 Dis 2019. Liverpool ayaa kaga adkaatay kooxda Everton garoonka Anfield kulankii adkaa ee Merseyside derby, kaddib markii ay ku garaacday 5-2, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 15-aad horyaalka Premier League ee dalka England.

Goolasha kooxda Liverpool waxaa xalay u kala dhaliyay xiddigaheeda Divock Origi, Xherdan Shaqiri, Sadio Mane iyo Georginio Wijnaldum.

Wiilasha Jurgen Klopp ee Liverpool ayaa halkooda ka sii waday rikoodhkooda cajiibka ah ee horyaalka Premier League, iyagoo guuldarro la’aan ah 32 kulan ay ku ciyaareen garoonkooda Anfield, waana rikoor cusub oo ay Liverpool ka sameysay taariikhda horyaalka.

Guuldaradii ugu dambeysay ee kooxda Liverpool kaga soo gaartay garoonkeeda Anfield horyaalka Premier League waxa ay aheyd xilli ciyaareedkii hore, markaasoo ay guuldarro 1-2 ah ay kala kulmeen Manchester City, bishii Janaayo ee sannadkii hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close