Dharkeenleey oo caawa ku guuleysatay Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir

(Muqdisho) 05 Dis 2019. Degmada Dharkeenleey ayaa ku guuleysatay Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasoo caawa lagu soo gabagabeeyay garoonka Eng. Yariisow Stadium.

Degmada Dharkeenleey ayaa wajahday dhigeeda koobka difaacaneysa ee Waaberi, waxayna kaga adkaatay gool ku laadyo 3-2 ah, isla markaana waxay gacanta ku dhigtay koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir siddeed sano kaddib.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 0-0 ah, ay isku mari waayeen Degmooyinka Waaberi iyo Dharkeenleey.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay barbaro 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen Degmooyinka Waaberi iyo Dharkeenleey, balse ugu dambeyntii Degmada Dharkeenleey ayaa waxay koobka ku qaaday rigoorrayaal 3-2 ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close