Arsenal oo guuldarro kala kulantay kooxda Brighton oo marti ugu aheyd Emirates Stadium…+SAWIRRO

(London) 06 Dis 2019. Arsenal ayaa guuldarro kala kulantay kooxda Brighton & Hove Albion oo marti ugu aheyd Emirates Stadium, kaddib markii loogu awood sheegtay 1-2, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 15-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hogaamineysay kooxda martida aheyd ee Brighton & Hove Albion.

Daqiiqadii 36-aad kooxda Brighton & Hove Albion ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 0-1 ka dhigay Adam Webster.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 50-aad kooxda Arsenal ayaa la timid goolka barbaraha waxaana 1-1 ka dhigay dheesha Alexandre Lacazette, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Mesut Ozil.

Laakiin daqiiqadii 80-aad kooxda Brighton & Hove Albion ayaa markale la wareegtay hogaanka ciyaarta, waxaana 1-2  ka dhigay Neal Maupay, xilli uu goolkan si qurux badan kaga caawiyay saaxiibkiis Aaron Mooy.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-2 ay ku adkaatay kooxda Brighton & Hove Albion oo marti ugu aheyd Arsenal Emirates Stadium.

SAWIRRO:

View image on Twitter

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close