Ter Stegen, Griezmann & De Jong oo ka mid ah shan xiddig muhiim ah oo seegay tababarkii maanta ee Barcelona… (Maxay tahay sababtu?)

(Barcelona) 04 Dis 2019. Goolhaye Ter Stegen, Griezmann & De Jong ayaa la soo sheegayaa inay  ka mid yihiin shan ciyaaryahan oo muhiim ah kuwaasoo seegay tababarkii ugu dambeeyey ee Kooxda Barcelona.

Marc-Andre ter Stegen, Arthur Melo, Clement Lenglet, Antoine Griezmann iyo Frenkie de Jong ayaa seegay tababarkii ugu dambeeyey oo ay sameysay maanta oo Arbaco ah Barcelona kaddib ogolaansho ay siisay Kooxdu.

Shantaas ciyaaryahan ee magacyadooda aan kor ku soo sheegnay ayaa ka maqnaan doona shaxda macallin Ernesto Valverde kulanka Sabtida ay garoonkooda Camp Nou ku soo dhoweyn doonaan Real Mallorca ee horyaalka La Liga.

Dhinaca kale xiddigaha da’da yar ee Inaki Pena, Ronald Araujo, Riqui Puig, Alex Collado, Kike Saverio, Carles Perez iyo Ansu Fati ayaa dhammaantood ku lug lahaa tababarka Kooxda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close