RASMI: Xilliga la ciyaari doono Spanish Super Cup oo markii ugu horreysay afar kooxood ay ka qeyb qaadanayaan oo la shaaciyay

(Madrid) 04 Dis 2019. Xiriirka kubadda cagta Spain ee Spanish Football Federation (RFEF) ayaa ku dhawaaqay xilliga laga baasan doono koobka Spanish Super Cup magaalada Jeddah ee dalka Saudi Arabia.

Waxaa lagu dhawaaqay saddexda kulan ee la ciyaari doono tartanka Spanish Supercup, kaasoo ay dheeli doonaan kooxaha Real Madrid, Barcelona, Atletico iyo Valencia.

Waa markii ugu horeysay koobka Spanish Super Cup ay ciyaaraan afar kooxood ee kala duwan, iyadoo ay horey u dheeli jireen laba kooxood oo kaliya.

Tartankan waxaa marti galinaya garoonka King Abdullah Stadium ee ku yaala magaalada Jeddah ee dalka Saudi Arabia.

Qaabka loo kala ciyaari doono koobka Spanish Super Cup 2019/20:

Kulanka koowaad ee wareega afar dhamaadka Spanish Super Cup wuxuu dhex mari doonaa kooxaha Valencia iyo Real Madrid, maalin Arbaca ah 8-da bisha Janaayo 2020.

Kulanka labaad ee wareega afar dhamaadka Spanish Super Cup ayaa wuxuu isna dhex mari doonaa kooxaha Barcelona vs Atlético Madrid, maalin Khamiis ah 9-ka bisha Janaayo 2020.

Ku guuleystaha kulanka koowaad afar dhamaadka iyo ku guuleystaha kulanka labaad afar dhamaadka ayaa wada ciyaari doono kulanka Finalka ee Spanish Super Cup maalin Axad ah 12-ka bisha Janaayo 2020.

Kooxaha Real Madrid, Barcelona, Atletico iyo Valencia sidee ayey tartankan uga soo muuqdeen?

Kooxaha Valencia iyo Barcelona ayaa tartankan kaga soo qeyb galay maadaama ay ahaayeen kooxda ku guuleysatay iyo kooxda laga qaaday Copa del Rey xilli ciyaareedkii lasooa dhaafay, halka Atlético Madrid iyo Real Madrid lagu soo daray maxaa yeelay waxay ahaayeen labada kooxood ee kala galay kaalmaha labaad iyo saddexaad horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay iyagoo ka dambeeyay kooxda koobka ku guuleysatay ee Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close