Mane, Mahrez & Mo Salah oo ka mid noqday 10-ka laacib ee isugu soo haray tartanka abaal-marinta xiddiga ugu fiican Afrika 2019

(Afrika) 04 Dis 2019. Waxaa la shaaciyey tobanka ciyaaryahan ee haatan isugu soo haray tartanka loogu jiro abaal-marinta xiddiga sanadka ugu fiican Afrika ee African Player of the Year 2019, waxaana ka mid noqday Auba, Salah, Mane, Mahrez & Ighalo.

Liiska Musharaxiinta Abaalmarinta Xiddiga Sanadka Qaarada Afrika ee ah middii 28-aad ee CAF ay bixiso ayaa lagu dhawaaqay kaddib markii ay dhammaystirantay wajigii koowaad ee codaynta.

Liiska musharraxiin la soo xulay waxaa lagu go’aamiyey cod bixin ay soo saareen Guddiga Farsamada & Horumarinta CAF iyo guddi khubaro Saxaafadda ah oo xoogga saaray waxqabadka xiddigaha muddadii sanadka ahayd ee lagu jiray dib u eegista 2019, waxaana markii hore musharraxiintu ay ahaayeen 30 laakiin hadda waxaa laga soo reebay 10 laacib oo qura.

Guuleysatayaasha abaal-marinnada kala duwan ayaa looga dhawaaqi doona inta lagu guda jiro xafladda abaal-marinnada lagu bixinayo ee CAF oo la qabanayo Talaado 7 Janaayo 2020 taasoo ka dhici doonta Albatros Citadel Sahl Hasheesh, Hurghada ee dalka Masar.

Haddaba halkaan hoose ka eeg musharraxiinta 10 laacib ee isugu soo haray tartanka abaal-marinta xiddiga sanadka Afrika 2019, Kooxaha & Xulalka ay ka tirsan yihiin:-

1- André Onana (Cameroon & Ajax)

2- Hakim Ziyech (Morocco & Ajax)

3- Ismail Bennacer (Algeria & AC Milan)

4- Kalidou Koulibaly (Senegal & Napoli)

5- Mohamed Salah (Egypt & Liverpool)

6- Odion Ighalo (Nigeria & Shanghai Shenhua)

7- Pierre-Emerick Aubameyang (Gabon & Arsenal)

8- Riyad Mahrez (Algeria & Manchester City)

9- Sadio Mane (Senegal & Liverpool)

10- Youcef Belaili (Algeria & Ahli Jeddah)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close