Isku aadka Copa America 2020 oo la sameeyey: Argentina, Australia & Uruguay oo isku Guruub galay

(America) 04 Dis 2019. Waxaa la sameeyey isku aadka Copa America 2020 iyadoo xulalka Argentina, Australia & Uruguay.

Xiriirka kubadda cagta Latin America ayaa isku aadkan labo qeybood u qeybiyey, kuwaasoo kala ah qeybta waqooyi iyo qeybta koonfureed, waxaana ka soo baxay Guruub adag.

Qeybta Waqooyi oo lagu ciyaari doono Columbia waxaa ku wada jira xulalka Colombia, Brazil, Qatar, Venezuela, Ecuador iyo Peru.

Qeybta Koonfureed oo lagu ciyaari doono Argentina ayaa isaga waxaa ku wada jira xulalka  Argentina, Australia, Bolivia, Uruguay, Chile iyo Paraguay.

Waxaa sanadkan tartankan oo ay difaacanayso Brazil lagu marti-qaaday Qatar iyo Australia.

Labada Guruub waxaa ka soo baxaya min afar qaran oo u gudbi doona afar dhammaadka tartanka Copa America.

Copa America 2020 ayaa noqon doona koobkii 47-aad ee tartankan, waxaana lagu martigalin doonaa dalalka Argentina iyo Colombia laga bilaabo 12-ka bisha June ilaa 12-ka July.

ISKU AADKA OO DHAMMAYSTIRAN:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close