RASMI: Wiilka Soomaaliyeed ee Akram Afif oo ku guuleystay Abaal-marinta xiddiga ugu fiican Sanadka Asia

(Hong Kong) 03 Dis 2019. Wiilka Soomaaliyeed ee Akram Afif ayaa ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahanka sanadka ee Asian Football Confederation’s (AFC) Player of the Year sanadkan 2019.

Xafladda abaal-marinta lagu bixiyay ayaa ka dhacday Magaalada Hong Kong ee dalka Shiinaha.

Ciyaaryahan Afif waxaa dhalay Aabo Xasan Afif Yaxye kaas oo u soo ciyaaray kooxda Horseed, wuuxuna u saftay 5 kulan, isagoo u dhaliyay 1 gool, waxaa xusid mudan in Xasan Afif uu xirtay maaliyada qaranka Ocean Stars 20 kulan ayuu saftay intii u dhaxeysay 1977-1980.

Akram Afif  oo ku guuleystay abaal-marintan ayaa noqday ciyaaryahankii saddexaad ee  dalka Qadar ka soo jeeda kaas oo hanta abaal-marintan.

Afif ayaa xulkiisa qaranka ee Qatar u suuro-galiyay inay hantaan Koobka qaramada qaarada Asia ee Asian Cup.

22-jirkaan ayaa sidoo kale Kooxdiisa Al Sadd ka caawiyay inay gaaran afar dhammaadka horyaalka Champions League ee qaaradda Asia.

“Waxaan jeclaan lahaa in u mahadceliyo xiriirka kubada cagta ee qaaradda Asia taas oo ku aadan inay i guddoonsiiyeen abaal-marintaan xiddiga ugu fiican, Wwxaan rabaa in sidoo kale aan u mahadceliyo ciyaartoyda iyo Maamulaasha xulka qaranka ee Qatar, iyo Kooxdeyda Al Sadd, waxaan rabaa in aan u mahadceliyo qoyskeyga, kuwaasoo si wayn ii taageeray, waxaan rabaa inaan u mahadceliyo qof walba oo taageera Akram Afif.

“Kuma sugni xafladda sabab la xiriira waajibaadka qaranka ee dalkeyga Qatar, markale waxaan u mahadcelinayaa xiriirka, dhammaantiin waxaan idiin rajeynayaa guul,” sidaas ayuu ku sheegay ciyaaryahanka muuqal uu soo duubay.

Abaal-marinta waxaa u guddoomay macallinka Kooxda Al Sadd  iyo Xiddigii hore ee Kooxda Barcelona, Xavi Hernandez.

Waa markii labaad oo xiriir ah oo ciyaaryahan Asian ah uu abaal-marintan ku guuleysto kaas oo isna tirsan kooxda Al Sadd waxaana Afif kaga horreeyey Abdelkarim Hassan, halka Khalfan Ibrahim uu yahay xiddigii ugu horreeyay ee reer Qatar oo qaata abaal-marintan isagoo guddoomay sanadkii 2006.

Dhanka kale Kabtanka Qaranka Japan ee Saki Kumagai ayaa ku guuleysatay xiddigta ugu wanaagsan dhanka dumarka sanadka Asia ee Asian Women’s Player of the Year 2019.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close