Messi oo kaliya 7-dhibcood kaga qaaday Van Dijk Ballon d’Or & Liiska dhibcaha ay kala heleen 30-ka ciyaaryahan ee ku tartamay abaal-marintan oo qarsoodi lagu helay!

(Paris) 03 Dis 2019. Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa xalay markiisii lixaad loo gacan geliyey abaal-marinta Ballon d’Or, laakiin waxaa xusid mudan in kaliya uu 7-dhibcood kaga qaaday abaal-marintan daafaca Liverpool ee Virgil Van Dijk.

Rikoorrada codadkii xiddig weliba uu helay tartanka abaal-marinta Ballon d’Or 2019 ayaa la soo xaday oo lagu faafiyey baraha xiriirka bulshada ee dhinaca Internet-ka, iyadoo la arki karo sida uu Van Dijk ugu dhowaaday inuu ku guuleystay markiisii ugu horreysay abaal-marinta  Ballon d’Or isagoo kaliya 7-dhibcood ka dambeeyey Lionel Messi.

Xiddiga xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa si rikoor ah abaal-marinta Ballon d’Or ugu guuleystay markiisii lixaad sanadkan, waxaana uu ku garaacay Virgil van Dijk iyo Cristiano Ronaldo, laakiin taageerayaal badan oo kubadda cagta ah ayaa rumeysan in daafaca Liverpool uu leeyahay awood uu ku hanto abaal-marintan.

Liiskan 30-ka laacib ee loo soo xushay tartanka abaal-marintan ayaa dhibcaha ay kala heleen si qarsoodi ah loogu shaaciyey Internet-ka, Van Dijk ayaana kaliya 7-dhibcood ka dambeeya ku guuleystaha Ballon d’Or.

Halkaan hoose dhibcaha ay kala heleen guud ahaan 30 xiddig ee loo xushay Ballon d’Or:-

1st – Messi – 686 dhibcood

2nd – Van Dijk – 679 dhibcood

3rd – Ronaldo – 476 dhibcood

4th – Mané – 347 dhibcood

5th – Salah – 178 dhibcood

6th – Mbappé – 89 dhibcood

7th – Alisson – 67 dhibcood

8th – Lewandowski – 44 dhibcood

9th – Bernardo Silva – 41 dhibcood

10th – Mahrez – 33 dhibcood

11th – De Jong – 31 dhibcood

12th – Sterling – 30 dhibcood

13th – Hazard – 25 dhibcood

14th – De Bruyne – 14 dhibcood

15th – De Ligt – 13 dhibcood

16th – Agüero – 12 dhibcood

17th – Firmino – 11 dhibcood

18th – Griezmann – 9 dhibcood

19th – Alexander-Arnold – 8 dhibcood

20th – Tadic – 5 dhibcood

20th – Aubameyang – 5 dhibcood

22nd – Son Heung-min – 4 dhibcood

23rd – Lloris – 3 dhibcood

24th – Koulibaly – 2 dhibcood

24th – Ter Stegen – 2 dhibcood

26th – Wijnaldum – 1 dhibcood

26th – Benzema – 1 dhibcood

28th – Felix – 0 dhibcood

28th – Marquinhos – 0 dhibcood

28th – Van der Beek – 0 dhibcood

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close