Xiddig ay Cristiano Ronaldo ka wada tirsanaayeen Kooxda Real Madrid oo Lionel Messi ku tilmaamay kan ugu fiican Adduunka abid

(Madrid) 02 Dis 2019. Xiddig ay Cristiano Ronaldo ka wada tirsanaayeen kooxda Real Madrid ayaa Lionel Messi ku tilmaamay kan ugu fiican kubadda cagta Adduunka abid.

Iker Casillas wuxuu ku faanaa inuu xiriir adag la leeyahay Real Madrid wuxuuna mar kala soo ciyaaray kooxdaas Cristiano Ronaldo, laakiin Goolhayaha halyeeyga ah ayaa soo jeediyay in xiddiga Barcelona ee Lionel Messi uu yahay kan ugu wanaagsan adduunka abid.

Ku guuleystaha Koobka Adduunka ma’ahan kii ugu horreeyay ee sheega arrintaan oo kale marka ay timaaddo sheekadu xiddiga xulka qaranka Argentina.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga filayey Casillas inuu wax badan la garab istaago kuwii ku xifdiyay sooyaalkooda garoonka Santiago Bernabeu sanadihii la soo dhaafay, laakiin taas ma aysan dhicin waxaana uu Messi ku tilmaamay kan fiican Adduunka abid.

Casillas wuxuu xusay in koox walba oo guuleysata ay u baahan tahay inay haysato goolhaye heer sare ah iyo xiddiga uu ku yilmaamay (GOAT) – Blaugrana waxaa uu u arkaa inay labadaba leeyihiin kuwaasoo kala ah Marc-Andre ter Stegen iyo Lionel Messi.

Astaanta Kooxda Real Madrid ee Casillas ayaa isagoo adeegsanaya baraha xiriirka bulshada ee dhinaca Internet-ka waxa uu soo qoray: “Qaacidada kubadda cagta: Goolhaye sare iyo ciyaaryahan GOAT ah.

“Maanta Barca waxa ay saddexda dhibcood ku qaadatay garoonka Wanda Metropolitano, Atletico si wanaagsan ayay u ciyaartay. laakiin xasillooni la’aan ayaa ka jirtay goolka hortiisa.

“Blaugrana waxay haysaa hoggaanka horyaalka, Atletico waa inay u dagaalamaan aagga Champions League.”

FG: Erayga GOAT waxaa laga soo gaabiyey Greatest of all time, taasoo la micno ah kan ugu fiican Adduunka abid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close