RASMI: Lionel Messi oo markiisii lixaad ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or… + SAWIRRO

(Yurub) 02 Dis 2019. Magaalada Paris ee caasimadda Waddanka Faransiiska ayaa caawa lagu guddoonsiiyey Lionel Messi abaal-marinta laacibka ugu fiican kubbada cagta adduunka ee Ballon d’Or 2019.

Waxay ahayd markii 64-aad oo abaal-marintan la bixiyo, waxaana markii ugu horreysay la guddoonsiiyey Sir Stanley Matthews sanadkii 1956-kii.

Kabtanka Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa markiisii lixaad caawa ku guuleystay abaal-marintan Ballon d’Or, waxaana uu ku garaacay Virgil van Dijk iyo Cristiano Ronaldo, waxaana xusid mudan in loo dhigay kursi uu ku qoran yahay magaciisa.

Kabtanka xulka qaranka Argentina ayaa abaal-marintan Ballon d’Or waxa uu horay ugu guuleystay 2009, 2010, 2011, 2012 iyo 2015.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close