RASMI: Goolhayaha Kooxda Liverpool ee Alisson Becker oo abaal-marin cusub guddoomay caawa

(Yurub) 02 Dis 2019. Magaalada Paris ee caasimadda Waddanka Faransiiska ayaa caawa abaal-marin lagu guddoonsiiyey goolhayaha Kooxda Liverpool ee Alisson Becker.

Robert Lewandowski ayaa lagu casuumay inuu abaal-marinta Yachine Trophy gacanta u geliyo goolhayaha lambarka 1-aad ee Kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Brazil.

Waxaana Alisson uu noqday goolhayihii ugu horreeyey ee abaal-marintan ku guuleysta.

Waxa uu goolhaye Alisson Becker uu abaal-marintan ku garaacay goolhayaha kooxda Barcelona ee Marc-Andre ter Stegen oo kaalinta labaad ka soo galay iyo shabaq ilaaliyaha Manchester City ee Ederson oo booska saddexaad ka soo muuqday.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close