Isku aadka wareegga saddexaad ee FA Cup-ka oo la sameeyey… (Liverpool oo qaabilaysa Everton & Man United oo markale la ciyaareysa Wolves)

(Yurub) 02 Dis 2019. Waxaa la shaaciyey isku aadka wareegga saddexaad ee tartanka FA Cup-ka, waxaana ka soo baxay kulamo xiiso leh.

Liverpool ayaa kulan adag soo dhoweynaysa naadiga Everton, halka Manchester United ay markale la ciyaarayso Wolves.

Chelsea ayaa qaabilaysa Naadiga Nottingham Forest, Kooxda Manchester City ayaa iyaduna nasiib ku leh in lagu beegay naadiga Port Vale, halka Arsenal ay ku aadday Leeds.

Dhammaan 20-ka kooxood ee Premier League iyo dhammaan 24-ka kooxood ee Championship ayaa ku soo biiray tartankan wareeggiisa saddexaad.

Isku aadka oo dhammaystiran halkaan hoose ka eeg:-

Leicester vs Wigan

QPR vs Swansea

Fulham vs Aston Villa

Chelsea vs Nottingham Forest

Wolves vs Manchester United

Charlton vs West Brom

Rochdale or Boston United vs Newcastle United

Cardiff vs Forest Green or Carlisle

Oxford United vs Exeter or Hartlepool

Sheffield United vs AFC Fylde

Southampton vs Huddersfield

Liverpool vs Everton

Bristol City vs Shrewsbury

Bournemouth vs Luton

Brighton vs Sheffield Wednesday

Bristol Rovers or Plymouth vs Coventry or Ipswich

Eastleigh or Crewe vs Barnsley

Manchester City vs Port Vale

Middlesbrough vs Tottenham

Reading vs Blackpool

Watford vs Tranmere Rovers

Preston vs Norwich

Millwall vs Newport County

Crystal Palace vs Derby

Solihull Moors or Rotherham vs Hull

Brentford vs Stoke City

Fleetwood Town vs Portsmouth

Arsenal vs Leeds

Gillingham vs West Ham

Burton vs Northampton

Burnley vs Peterborough

Birmingham vs Blackburn

Waqtiga la ciyaari doono:-

Dhammaan kulammada wareegga saddexaad ee FA Cup-ka kal ciyaareedkan ayaa la ciyaari doona 3 bisha Janaayo iyo 6 bisha Janaayo ee sanadka cusub.

Wareegga afaraad ayaa isna la dheeli doonaa 25 isla bisha Janaayo 2020.

Wareegga shanaad ayaa isna la ciyaari doonaa 4 bisha Maarso 2020, halka siddeed dhammaadka tartankan la dhelei doono 21 bisha Maarso 2020.

Afar dhammaadka tartankan ama Semi-finalka ayaa la dheeli doonaa 18 iyo 19 bisha April ee sanadka 2020 iyadoo kama dambeysta tartankan ama Finalkiisa la ciyaari doono 23-ka bisha May ee sanadka 2020.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close