ANSA iyo Gazzetta dello Sport oo isku raacay xiddiga ku guuleysan doona caawa abaal-marinta Ballon d’Or 2019 & Ronaldo oo aan Xafladda xaadiri doonin

(Paris) 02 Dis 2019. Majaladaha Talyaaniga ka soo baxa ee ANSA iyo Gazzetta dello Sport ayaa isku raacay magaca ciyaaryahanka ku guuleysan doona abaal-marinta Ballon d’Or 2019 taasoo caawa la bixin doono.

ANSA iyo Gazzetta dello Sport waxa ay shaaca ka qaadeen in Lionel Messi uu caawa ku guuleysan doono abaal-marinta Ballon d’Or sanadkan 2019.

Kabtanka Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaana waxa ay warbixinta ku sheegeen in markiisii lixaad ku guuleysan doono Ballon d’Or isla markaana uu noqon doono xiddiga ugu badan ee abaal-marintan ku guuleysta, iyagoo xusay in Cristiano Ronaldo uusan xitaa soo xaadiri doonin xafladda.

Labadaan Majalad oo Talyaaniga ka soo baxa waxa ay rumeysan yihiin ee Lionel Messi uu abaal-marintan xiddiga ugu fiican Adduunka 2019 caawa ku guddoomi doono magaalada Paris, kaliya hal maalin kaddib markii uu goolka guusha ka dhaliyey Atletico Madrid kulankaasoo ku dhammaaday 1-0 ay ku adkaatay Barcelona, isla markaana xiddiga xulka Argentina uu hoggaanka horyaalka La Liga dib ugu soo celiyey kooxdiisa.

Dhinaca kale Ronaldo ayaa la shaagayaa inuu kaalinta afaraad ka soo muuqan doono isagoo ka dambeyn doona xiddigaha Liverpool ee Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk.

Weeraryahanka kooxda Juventus ee CR7 ayaa min shan jeer la haysta xiddiga xulka Argentina ee Leo Messi abaal-marintan Ballon d’Or, laakiin waxa uu ku guuldarreystay inuu hanto sanadkii la soo dhaafay ee 2018 markaasoo xiddiga ay ka wada tirsanaayeen Real Madrid ee Luka Modric uu ku guuleystay abaal-marintan.

Messi ayaa ku guuleystay bishii September abaal-marinta xiddiga ugu wanaagsan sanadka ragga ee ay bixiso FIFA (The Best FIFA Men’s Player of 2019) waxaana uu ku guddoomay abaal-marintan xaflad lagu qabtay halka la yiraahdo The Teatro alla Scala ee Magaalada Milan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close